
Mustaqbal-ka Tiknoolajiyadeed Ee Africa?
admin
•Apr 28, 2026
Africa maanta ma aha oo kaliya qaarad leh kheyraad dabiici ah; waxa ay sidoo kale u muuqataa in ay cagta saartay jihada tiknoolajiyadeed ee sida xowliga ah u socota. Dhalinyarada Afrikaan-ka, oo lagu sheego in ay safka hore uga jiraan isticmaalayaasha aaladaha casriga ah sida mobile apps-ka, internet-ka, iyo isku dhafka baahiyaha bulsheed ee ka jira qaaradda, waxa ay sare u qaadeen in hal-abuurka tiknoolajiyadeed uu si weyn ugu baaho qaaradda.
Africa, oo kol hore si weyn ula daalaadhacaysay caqabado soo gaaray, hadda waxa ay u muuqataa in ay si daad-raacinayso wixii hore. Qaaradda oo si walba u dahan, dadkeedu waxa ay waayadii dambe ku baraarugeen in ay ka faa’iidaystaan khayraadka nooc walba isugu jira. Inta badan nidaamyada dowladeed ee ka jira Africa waxa ay xoogga saareen sidii tiknoolajiyada looga faa’iidaysan lahaa, taas oo hoos u dhigtay dhaqankii Afrikaankii ku dhisnaa caadooyinkii soo jireenka ahaa.
Nolosha bulshooyinka ku dhaqan qaaradda ayaa si weyn isku beddeshay 10 sano ee la soo dhaafay; lacagaha sida danabaysan la isugu diro iyo ganacsiyada ka abuurmay internet-ka ayaa malaayiin dad u noqday shaqa abuur. Si kastaba ha ahaatee, xeel-dheerayaashu waxa ay is weydiinayaan sida horumarkan xowliga ku socda Africa uga dhigi karo mid ay dadkeedu ka wada faa’iidaystaan.
Horumarada Muuqda ee la gaaray
- Mobile & Fintech Revolution
Sida xog badan oo is biirsaday tibaaxayaan, Afrika waxay safka hore kaga jirtaa qaaradaha si weyn u hormariyay adeegyada maaliyadeed ee ku salaysan tiknoolajiyadda, gaar ahaan lacagaha danabaysan ee la isaga diro mobilada gacanta. Inta badan bangiyadii safarka dheer loo geli jiray iyo lacagihii shaqsiyaad gooni ah ama shirkado dhexe gacanta ugu jiray ayaa u muuqda kuwa sii gabaabsi ah, inkasta oo ay iyagu qudhoodu si weyn uga faa’iidaysteen technolojiyadda oo ay soo saareen mobile money, fududeeyay nolosha maalinlaha ah ee dadka.
Tusaale ahaan, waddamada Kenya, Soomaaliya, iyo Ghana waxa ay safka hore uga jiraan kuwa ay si aad u ballaaran dadkoodu uga faa’iidaysteen tignoolojiyadda. Mobile money transfers-ka waxa uu noqday mid ku xiran dhaqdhaqaaqa nolosha maalinlaha ah. Adeegga M-Pesa ee laga isticmaalo Kenya ayaa ka mid ah fintech revolution Afrika. Sidoo kale, adeegyada EVC Plus iyo ZAAD oo Soomaaliya si weyn looga isticmaalo ayaa ka mid ah horumarrada ballaaran ee qaaradda lagu ammaani karo. Si guud, qaaradda waxaa sii laba jibbaarmaya digital payments iyo startups-ka - Koritaanka Startups-ka
Qaaradda Afrika, koritaanka startups-ka waxaa si weyn u taageeraya dhalinyarada wax baratay oo ku nool magaalooyinkan, iyo sidoo kale maalgashadayaasha caalamiga ah. Labadan kooxood waxay door weyn ka ciyaaraan kobcinta iyo horumarinta ganacsiyada cusub ee ku saleysan tiknoolajiyada. Magaalooyinka caasimada ah sida Nairobi, Lagos, Cape Town, iyo Kigali ayaa maanta noqday xarumo muhiim u ah horumarinta tiknoolajiyada (tech hubs). Gaar ahaan, waxaa si xawli ah u kobcaya:
• shirkadaha ku shaqeeya Artificial Intelligence (AI startups)
• suuqyada dijitaalka ah (e-commerce platforms)
• Iyo xalalka caafimaadka ee casriga ah (health-tech solutions) - Shirkadaha Tiknoolajiyada ee Afrika
Qaaradda Afrika waxaa ka soo baxaya shirkado tiknoolajiyadeed oo si dhab ah u beddelaya muuqaalka tech-ga, isla markaana door weyn ka cayaaraya horumarinta dhaqaalaha dijitaalka ah. Aan tusaale u soo qaadano qaar ka mid ah shirkadahaas.
• Flutterwave (Nigeria) waa shirkada bixisa adeeg maaliyadeed oo Digitaal ah (digital payments) oo ka shaqeeya dalal badan oo Afrika iyo caalamkaba.
• Jtech (Somalia) Waxay bixisaa adeegyo tiknoolajiyadeed oo taageera hay’adaha iyo shirkadaha gudaha ee gaarka looleeyahay iyo kuwa public-ga ah.
• Andela (Pan-African) Waa shirkada tababarta isla markaana isku xirta developers-ka Afrika iyo shirkadaha caalamiga ah.
• Chipper (Africa-wide) Waxay fududeysaa lacag dirista gudaha iyo dibadda Afrika.
• Gebeya (Ethiopia) waxay horumarisaa xirfadaha tiknoolajiyada isla markaana abuurtaa shaqooyin dijitaal ah. - Internet & Connectivity.
Internet-ku wuxuu si weyn u beddelay nolosha aadanaha, gaar ahaan dadka ku nool qaaradda Afrika. Sanadihii u dambeeyay, saamaynta internet-ka ayaa si cad looga dareemay dalal badan, iyadoo tiro badan oo Afrikaan ah ay heleen adeegyo internet ah oo u fududeeyay nolol maalmeedkooda.
Adeegyada sida fiber optics, satellite internet, iyo mobile data ayaa si xawli ah uga fidaya dalal badan oo Afrikaan ah, iyagoo kor u qaadaya isku xirnaanta (connectivity) iyo helitaanka macluumaadka. Magaalooyinka waaweyn sida Nairobi, Lagos, Kigali, iyo Soomaaliya ayaa noqday tusaalayaal muuqda oo muujinaya sida internet-ku u kobciyay tiknoolajiyada iyo ganacsiyada.
Inkasta oo meelaha qaar kharashka internet-ku weli caqabad ka yahay, haddana kororka isku xirnaanta ayaa si weyn u fududeeyay ganacsiga dijitaalka ah (e-commerce), waxbarashada online-ka ah iyo adeegyada maaliyadeed ee casriga ah (fintech)
Gunaanad, inkasta oo ay hadda Afrika u muuqato qaarad si firfircoon u ciyaaraysa doorkeeda isla markaana la jaanqaadaysa dunida horumartay, haddana waxaa jira caqabado ay wajahayso qaaraddu.
Caqabadaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah dhibaatooyinka siyaasadeed (political crises) ee ka jira meelaha qaar iyo kaabayaasha dhaqaale oo aan weli gaarin heerkii la rabay. Sidoo kale, korontada oo aan joogto ahayn iyo xawaaraha internet-ka oo hooseeya magaalooyinka qaarkood ayaa weli caqabad ku ah horumarka tiknoolajiyadeed ee Afrika.